dallee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-leeyay, -laysay)

1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dallee

dallayn [m.f.dh]
eeg dallee.

dalleen [m.dh]
Dandarranaan; dhibaataysnaan.

dalleensan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof, wax dalleen hayo ahaansho.

dalleensanaan [m.f.dh]
eeg dalleensan. ld dalleensanaansho.

dalleensanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dalleensanaan.

fadallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Fadal samayn. ld fadli².

nacdallee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
ld nacaladee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg