daloolin
(m.f.dh)eeg dalooli. ld duleelin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daloolin ↴
daldaloolin [m.f.dh]
eeg daldalooli. ld daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis.
daloolin cad-hunguri [m.dh]
(daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.
duleelin [m.dh]
ld daloolin.
entameeba [m.dh]
(baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
hudaanhutee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -teysay)
1. Godad isu daloolin. 2. Turaanturree.
hul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Meel qodid ama daloolin.
qodaal [m.l]
1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.
dalool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹.
dalool [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar.
dalool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). ld duleel².