damaashaad
(m.l) (-dyo, m.dh)Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.
damaashaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh damaashaad ↴
aroos [m.l] (-syo, m.dh)
1. ld aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho.
ciid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid².
dabbaaldeg [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaaldeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid.
damaashaadid [m.f.dh]
eeg damaashaad².
diric [m.l]
1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.
xus [m.l]
1. Allabari cid dhimatay loo sameeyo. 2. Damaashaad loo sameeyo dhacdo taariikh leh.