damac
(m.l)

1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. ld damcid.

damac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-mcay, -macday; -mci)

1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tus. “Waxaan damcay in aan Diinsoor aado.”

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh damac

yaw [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

damaaci [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: qof damac badan.

damacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho.

damacsanaan [m.f.dh]
eeg damacsan. ld damacsanaansho.

damacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld damacsanaan.

damcid [m.f.dh]
eeg damac². ld damac¹ (3).

hawo [m.dh]
1. Dabayl gabow. 2. Inta cirka iyo dhulka u dhexeysa oo eberka ah. 3. Wax maanka laga jecelyahay. 4. Damac.

niyo [m.dh]
1. Meesha damaca, jacaylka, xumaha iwm dadku ku qaado. 2. Rabitaan wax loo hayo. ld niyad.

dam [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg