dambar
(m.l)

Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dambar

daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog². doog

bullaale [m.l]
1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.

bullo [m.dh]
1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.

dambari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef dhalay dambar ka lisid.

dambarin [m.f.dh]
eeg dambari. ld dambaris.

dambaris [m.l]
ld dambarin.

dambarsad [m.l]
ld dambarsasho.

dambarsame [m.l]
Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). ld damba- same.

dambarsasho [m.f.dh]
eeg dambarso. ld dambarsad, dambarsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg