dambiil
(m.dh) (-lo, m.l)Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dambiil ↴
baanso [m.dh]
Geed leh laamo dhaadheer oo xubno leh oo sida dhuumihii dhexda ka daloola, waxaana loo isticmaalaa dhismaha, samaynta dambiilaha qaarkood, iwm; qaysaraan.
bac [m.dh] (-cyo, m.l)
1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.
caw [m.dh]
Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iwm. oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. ld caaw².
dambiilannimo [m.dh]
ld dembilennimo.
dambiile [m.l]
ld dembiile.
danbiil [m.dh]
ld dambiil.
dembiile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dambi falay. ld dambiile.
dhuun-goys [m.l]
(taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
khaysaraan [m.dh] (-no/-aamo, m.l)
Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.
dambi [m.l]
ld dembi.