danab
(m.l) (-byo, m.dh)1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab
(m.l) (-byo, m.dh)(fiis.) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh danab ↴
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
caabbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
kaahin-birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.
raadka footoodanabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Bixinta elektaroonno ee dusha biraha, marka lagu kaahiyo hirarka, birlabdanabeedka. Tirada elektaroonnada ee baxay waxa ay ku xiranyihiin itaalka kaaha.
saaqid danab [m.dh]
Saaqid birlabdanabeed.
saaqid birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
saaqniin [m.l]
(fiis.) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku
unugga Daaniyal [m.l]
(fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.
ambiyeer [m.l] (-ro, m.dh)
(fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.
dan [m.dh] (-no, m.l)
1. Ujeddo qof doorbido in ay faa'ido ugu jirto fal sameyntiisa. 2. D. u geli: wax ama qof tixgelin gaar ah siin. 3. Bannaan.
dan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Dab, nal iwm bakhtiyid. ld den.