danabneg
(m.l)(fiis.) Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh danabneg ↴
atam [m.l] (-myo, m.dh)
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.
danab [m.l] (-byo, m.dh)
(fiis.) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg