dano
(m.dh)

1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dano

arkijireddoon [m.l]
Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.

dani [m.dh]
Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iwm deyr looga dhigo; dano.

dhaaddanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Wax dhaaddan noqosho (nafley).

gabaddano [m.dh]
Dhaxan badan oo dabayl wadata; dayradhaaf.

gabaddanoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Gabadano dareemid.

gabaddanood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg gabadanoo.

hodanoobid [m.f.dh]
eeg hodanow.

hodanow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof hanti leh noqosho.

huwan [m.dh] (-nno, m.dh)
Dad dano gaar ah heshiis ku ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg