daqiiqad
(m.dh) (-do, m.l)

Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. ld daqiiqo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daqiiqad

saacad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.

bastooreyn [m.dh]
(daaw.) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.

biririf [m.dh] (-fo /-fyo, m.l)
Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.

caloolmajiir [m.l] (-ro, m.dh)
(daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.

daqiiqo [m.dh]
ld daqiiqad.

mirir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Dheeh guduudan oo uumi-biyoodku biraha ku dul sameeyo. 2. Cida ay riyuhu sameeyaan marka ay dhashooda waayaan. 3. (-rro, m.dh) Daqiiqad.

daqiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg