darab
(m.l)

1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

darab
(m.dh)

1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.

darab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rbay, -rabtay; -rbi)

1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darab

darabdhaqasho [m.dh]
ld darabqaadasho.

darabdhaqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
ld darabqaado.

darabqaadasho [m.f.dh]
eeg darabqaado. ld darabdhaqasho.

darabqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Saxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo.

darbid [m.f.dh]
eeg darab³.

darbo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baday, -batay)
1. Darab qaadasho. 2. U d.: qof hawl isu diyaarin.

darib [m.dh]
Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2).

dar [m.l] (-rar, m.l)
1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

dar [m.dh.fk]
1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.

dar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg