daraf
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-rfo, m.l/-fyo, m.dh)

1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daraf

darfi [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
1. Derin, maro iwm daraf u yeelid. 2. Hoore qubid.

guluus [m.l] (-syo, m.dh)
Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. ld galuus.

macawis [m.dh] (-syo, m.l)
Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.

minaaq [m.l] (-qyo, m.dh)
Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.

xor [m.dh]
1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

dar [m.l] (-rar, m.l)
1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

dar [m.dh.fk]
1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.

dar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg