darandoorri
(m.l)

1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go'lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go'lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.

darandoorri
(f.g/mg1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)

1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darandoorri

darandoorrin [m.dh]
ld darandoorriyid.

darandoorris [m.l]
ld darandoorriyid.

darandoorriyid [m.f.dh]
eeg darandoorri². ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.

dhafandhaaf [m.l]
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.

ridim [m.l]
(muus.) Dhawaaq si darandoorri ah iskaga dabadhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg