dareemo
(m.dh)

Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dareemo

laabjeex [m.l]
(daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar. laabqarrar

gaajo [m.dh]
Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. ld qaajo. qaajo

uf [Erey Dareen | Exclamation]
Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo.

ur [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.

xabag [m.dh]
1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.

astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.

biriir [m.dh]
1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo'ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.

caaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.

cadanyo [m.dh]
Cuncun oogada laga dareemo. ld cadayo¹, canaanyo, cananyo.

daree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg