dareensi
(m.l)

ld dareensasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dareensi

xadatee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.

dareensasho [m.f.dh]
eeg dareenso. ld dareensad, dareensi.

dareensii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid, xog ka maqnayd garansiin.

dareensiin [m.f.dh]
eeg dareensii.

dig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.

digniin [m.dh]
1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.

laqanyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cid laqanyo dareensiin.

mihin [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. ld mehin, mohin, mohis, muhin, muhis.

dareen [m.l]
1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.

dareen [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eemay, -eentay; -eemi)
1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg