dareensii
(Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2) (-iiyay, -iisay)Cid, xog ka maqnayd garansiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dareensii ↴
xadatee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.
dareensiin [m.f.dh]
eeg dareensii.
dig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.
digniin [m.dh]
1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
laqanyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cid laqanyo dareensiin.
mihin [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. ld mehin, mohin, mohis, muhin, muhis.