dariiqo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dariiqo ↴
oksiin [m.dh] (-no, m.dh)
(baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
digri [m.l]
(dii.)Qasaa'id diini ah oo ay qaadaan wadaaddada dariiqooyinka; xadro. ld digriyid.
digri [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
(dii.) Digri qaadid (wadaad dariiqo).
fisiyooloji [m.l]
(baay.) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayo-kiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
isu ekaansho [m.dh]
Isbarbardhig ama isku ekaansho ka dhexeysa laba shay, taaso isaga mid yihiin hal dariiqo. “Isu-ekeyn” waa marka aad is barbardhigtid laba shay, si aad u sharaxdid ama aad u fahamtid waxa ay yihiin.
juqraafiga nafleyda [m.l]
(juqr.) Barasha noolosha dabiiciga ah (xoolaha iyo deegaanta) oo anuu ku jirin dadku. Waxa la darsaa dariiqooyinka iyo siyaabaha xoolaha iyo deegaantu ugu fidaan, uguna filiqsanyihiin dhulka dushiisa.
kollooydh-soocid [m.dh]
(baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
kulqaate [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
(fiis.) Dariiqo tilmaamaysa nuugidda kulka ee hab ama walax ku jirta falgalid (waxa kale oo lagu sharxi karaa kulka bannaanka uga baxa walax, ama hoos-u-dhaca heerkulka).
neefsasho [m.dh]
Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.