darsad
(m.l)ld tarsad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darsad ↴
xaajayaqaan [m.l]
Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.
okhole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Gaawe weyn oo sida badan qori ka samaysan oo ceelasha gaaggaaban biyaha looga soo darsado.
basbaas [m.l]
Geed-nagaar la beerto oo dhala miro dhuudhuuban oo kulul oo cuntada lagu darsado. ld bisbaas.
darsasho [m.f.dh]
eeg darso. ld darsad, darsi.
darso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.
deriskunnool [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
dhir [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.
dockayeer [m.l] (-rro, m.dh)
Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.
gaanni [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
G. ah: fardo xoog, cayil iyo adkaysi isku darsaday.