daruuree
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-reeyay, -raysay)Neef daruuro gelin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daruuree ↴
barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
daruurayn [m.f.dh]
eeg daruuree.
daruur [m.l]
1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur [m.dh] (-ro, m.l)
Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
daruur [m.dh] (-ro, m.l)
(fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
daruur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.