dawaaf
(m.l)

1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.

dawaaf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dawaaf

cumro [m.dh]
(dii.) Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro.

dawaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.

dawaafid [m.f.dh]
eeg dawaaf². ld dawaaf¹ (3).

dawaafin [m.f.dh]
eeg dawaafi. ld dawaafsiin.

dawaafsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld dawaafi.

dawaafsiin [m.dh]
ld dawaafin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg