dawlis
(m.l)

ld dowlis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dawlis

baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.

wadaan [m.dh] (-aamo, m.dh)
Weel harag, cinjir iwm ka samaysan oo gadaw iyo daddoobbo leh oo inta dawlis lagu xiro ceelasha lagu shubo ama biyaha loogala soo baxo.

dawlisgoys [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Calaamadaha sarriinka ah oo jiidista dawlisku ku sameeyo xakabbada. ld dowlisgoys.

dowlin [m.f.dh]
eeg dowli². ld dawlin, dawlis, dowlis.

eeraarin [m.l]
(bot.) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iwm.

jebis [m.l]
1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. ld jebin.

jirdeys [m.l] (-syo, m.dh)
Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.

karkaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qoryaha ceelka afkiisa la saaro ee marka ceelka wadaanta laga soo saarayo dawliska lagu dul jiido; makaab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg