dayactir
(m.l)

1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.

dayactir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dayactir ↴

dayactiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la dayactiray ahaansho.

dayactirid [m.f.dh]
eeg dayactir².

dayactirnaan [m.f.dh]
eeg dayactiran. ld dayactirnaansho.

dayactirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dayactirnaan.

dibuhabayn [m.dh]
1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iwm. 2. Dayactir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg