debec
(m.l)

ld debcid.

debec
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bcay, -becday; -bci)

1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh debec

xadato [m.dh]
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.

bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

beerjileec [m.l]
1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.

calooljileec [m.l]
1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.

daaji [f.g/lg2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.

dabac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
ld debec².

dabacla'aan [m.dh]
ld debecla'aan.

dabacsamid [m.dh]
ld debecsamid.

deb [m.l]
ld dab¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg