debecsan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.

debecsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Xarig, guntin iwm oo giigsanaa wax debcay ahaansho. ld dabacsan², debacsan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh debecsan

xadato [m.dh]
Xididdada oogada oo kaca ama baraaruga kolka ay dareemaan waxyaalo si debecsan oo jilicsan meelaha qaarkood uga taataabanaya. ld xananto, xanato.

bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

beerjileec [m.l]
1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.

daaji [f.g/lg2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.

dabacsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
ld debecsan¹.

dabacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld debecsan².

dabacsanaan [m.dh]
ld debecsanaan.

dabacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld debecsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg