dedan
(m.dh)

Waqti wixii la sheegaa aanay shaac bixin oo qarsoomaan. ld dadan¹.

dedan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Wax la deday noqosho. ld dadan².

dedan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

Wax la deday ahaansho. ld dadan³.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dedan

okori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley meel dedan roob ka gelin.

okoro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Meel dedan roob ka gelid.

qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.

asheer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rtay, -ratay)
Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. ld asheero.

asheeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.

baraako [m.dh] (-ooyin, m.l)
Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld baraakad.

bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

dacar [m.l]
Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.

dadan [m.dh]
ld dedan¹.

dadan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
ld dedan².

ded [m.l]
1. ld dad 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid.

ded [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. ld dad².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg