deebi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deebi ↴
baabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Weel caanood deebin.
dabandeebid [m.f.dh]
eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹.
deeb [m.dh]
1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas.
deebin [m.f.dh]
eeg deebi.
deebsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la deebiyey ahaansho.
gubungub [m.l]
Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. ld gubaangub.
jillab [m.l]
(bot.) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
radeebid [m.f.dh]
eeg radeeb². ld radeeb¹ (2).
dee [Falkaab | Adverb]
Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.