deeq
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.

deeq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deeq

kaafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: wax deeq kugu kaafiya.

oo [Xiriiriye | Conjunction]
1. (nax.) Xiriiriye loo adeegsado in laysku xiro labo weer tabineed oo abyoon. Tus. “Cali waa nin wanaagsan oo deeqsi ah”, “Cali oo Xamar joogay ayaan la kulmay, adoo harsan waayay ma laguu soo harsaday?” 2. (nax.) Xiriiriye isku xira laba fal oo isku mar la qabtay.

tabarruc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ku t: cid wax ku deeqid.

tabbac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
Ku t.: cid deeq weyn siin.

boos [m.l] (-sas, m.l)
1. Qof gaboobay. 2. Nin lug ama gacan la'. 3. Meel qof deeqda. 4. Dhul sharciyeysan oo qof gaar ahaan u leeyahay. 5. ld boosay. Midab cad oo farduhu yeeshaan.

callaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo. 4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹.

callaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof laga rabo in uu hawl qabto deeq yar siin; laaluushid. 2. Alaab yar gaadid raran saarid. ld calaal².

deeqdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg