deggan
(f.g/mg4) (-naa, -nayd)1. (f.g) Wax meel rug ka dhigtay ahaansho (cid). 2. (f.mg) Wax xasillan ahaansho. 3. (f.mg) Wax kudid raba ahaansho (sac).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deggan ↴
jaar [m.l] (-rar, m.l)
1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
nabadgelyo [m.dh]
Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
oktet [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.
oollin [m.l]
Meel muddo badan la degganaa; yaallin.
ummad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.
waaqla' [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
wadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
yool [m.l]
1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
aayar [m.dh.fk]
Si deggan oo miyir leh. ld aad yar, aadyar.
ab'ogaa [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn.