degid
(m.f.dh)

eeg deg². ld degis, degitaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh degid

daaddegid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daaddeg³. daaddeg

aroor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Nafley biyo doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid.

baaraandegid [m.f.dh]
eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).

baaxaaddegid [m.f.dh]
ld baaxaadegid.

baaxaadegid [m.f.dh]
eeg baaxaadeg². ld baaxaaddegid.

bartiree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
Ciyaar turub iyadoo la hayo ka hor degid.

cagadhigo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.

dabbaaldegid [m.f.dh]
eeg dabbaaldeg².

deddegid [m.dh]
ld degdegid.

degdegid [m.f.dh]
eeg degdeg². ld deddegid.

deg [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.

deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg