degsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh degsan ↴
yake [m.l]
1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
axkaan [m.dh]
1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
deddegsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld degdegsan.
deddegsanaan [m.dh]
ld degdegsanaan.
deddegsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld degdegsanaan.
degdegsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax degdegaaya ahaansho. ld deddegsan.
degdegsanaan [m.f.dh]
eeg degdegsan. ld deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho.
degdegsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld degdegsanaan.
degsanaan [m.dh]
eeg degsan. ld degsanaansho.