deleb
(m.l)Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deleb ↴
case [m.l]
1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.
dug [m.dh]
Delebka oo inta la rido aan wax dhibic ah lagu helin (cayaarta delebka).
dur [m.l]
1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.
tuux [m.l]
Tirsi loo adeegsado cayaarta delebka.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg