derejo
(m.dh)ld darajo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh derejo ↴
heer [m.l] (-rar, m.l)
1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
jalaabuud [m.dh]
Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
kalasarree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
1. Wax, wax kale korkiisa saaran ahaansho. 2. Qof, qof kale ka derejo sarreeya, ahaansho. 3. Waxaan isku dherer ahayn ahaansho (dhul).
meer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iwm cid kale ku wareegid.
sawjar [m.l] (-rro, m.dh)
Askeri caddaan ah oo aan derejo lahayn. ld sowjar.
siman [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nmay, -mantay; -nmi)
1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. ld sinan¹.
subbeehi [m.l] (-iyo, m.dh)
Askari aan derejo lahayn; dable.
xayuubi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iwm qof ka qaadid.
xiddig [m.dh] (-go, m.l)
1. Wax iftiin leh oo habeenkii hawada sare laga arko. 2. (riw.) Haweeney riwaayadaha iyo filimada jisha. 3. Bir yar oo midab qurxoon leh iyo shangees oo ciidamada derejo ahaan loo siiyo.