dermo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iwm. ld derin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dermo ↴
casaan [m.l]
1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.
darfooley [m.dh]
Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
derin [m.dh]
ld dermo.
dingax [m.dh] (-goxo, m.dh)
Nooc dermooyinka ka mid ah oo cawda mayrada laga sameeyo.
duub [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay,-btay)
1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
gantoob [m.l]
1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. ld gandoob.
harrar [m.dh]
1. Derin guryaha lagu dedo. 2. Dun dermooyinka lagu qurxiyo. ld harar².
samays [m.l] (-syo, m.dh)
1. Nooc dermooyin-ka ka mid ah. 2. ld samayn¹.
surrad [m.dh]
Alaabta guriga inta duubmi karta sida dermooyinka, rarada, kebdaha iwm.