dhaadhicin
(m.f.dh)

eeg dhaadhici. ld dhaadhicis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaadhicin

abaddar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aan waxba laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi aan caqli lahayn.

dag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.

dhaadhicis [m.l]
ld dhaadhicin.

dicaayad [m.dh]
1. War aan sal iyo baar lahayn oo cid laga fidiyo iyadoo lagu caayayo. 2. War aad u badan oo cid wax gaar ahaaneed looga dhaadhicinayo. ld dacaayad, dacaayo, dicaayo.

fahamsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Qof wax ka dhaadhicin. ld fahansii.

harowso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin.

kariwaa [m.l]
Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.

khawaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.

macangag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof aan waxba laga dhaadhicin karin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg