dhaafi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaafi

faakihayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Raaxo waqti isku dhaafin.

maandhaafid [m.dh]
eeg maandhaaf². ld maandhaaf¹.

xad-dhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid.

xad-dhaafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaddhaaf².

afdhaafid [m.f.dh]
eeg afdhaaf.

agmar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax, meel u dhow socod ku dhaafid.

agmari [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax kale meel u dhow socod ku dhaafin.

angar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.

antaradhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Wax xadkoodi caadiga ahaa dhaafid.

antaradhaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xadkoodi caadiga ahaa ka badin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg