dhaal
(m.l) (-lal, m.l)

1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaal

yabadhaalo [m.dh]
Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.

cimilo-badhaale [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.

dhaaclayn [m.f.dh]
eeg dhaaclee. ld dhaalcayn, dhaclayn.

dhaaclaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.

dhaaclaysnaan [m.f.dh]
eeg dhaaclaysan. ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho

dhaacle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.

dhaaclee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.

dhaalali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhalaalaya ka dhigid. 2. Adke ka dhigid.

dhaalcayn [m.dh]
ld dhaaclayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg