dhaawac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca.

dhaawac
(m.l) (-cyo, m.dh)

(daaw.) Kala go'a qaab dhiska xubin ama sooh oo ay keento dhibaato dibedda ugu timid.

dhaawac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -wici)

Nafley nabar xanuun leh gaarsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaawac

caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas

caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.

haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban

ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.

nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.

ambalaas [m.l] (-syo, m.dh)
Baabuur gaar ah oo loogu tala galay in si degdeg ah cid aad u jirran ama dhaawac ah loogu gaarsiiyo isbitaal.

baan [m.dh]
Cunno nafaqo leh oo lagu dheefiyo qof buka ama dhaawac ah.

baani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof buka ama dhaawac ah baan siin.

baano [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-ntay, -natay)
1. (f.g) Qof buka ama dhaawac ah baan siin. 2. (f.mg) Qof bukaan ama dhaawac ka bogsasho.

baanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Qof buka ama dhaawac ah baan siisasho.

dhaaw [m.l]
1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.

dhaaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-way, -wday)
1. Cid habaarid. 2. Cid Jin, dabayl iwm ka daaweyn. 3. ld dhaw².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg