dhaawacan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cmay, -cantay; -cmi)

Wax dhaawac gaarey noqosho.

dhaawacan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-cnaa, -cnayd)

Wax dhaawac gaarey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaawacan

dhaawacmid [m.f.dh]
eeg dhaawacan¹.

dhaawacnaan [m.f.dh]
eeg dhaawacan². ld dhaawacnaansho.

faashad [m.dh] (-do, m.l)
Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.

kujiye [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareen-wadayaasha, waxaana keena baktiiri-yuumka la yiraahdo “cloridium tetani”. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Toddobamagaarto, teetano.

nafkureeb [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. N. ah: cunto yar oo qof aad u gaajeysan quuto. 2. N. ah: nafley dhaawacan ama daallan oo si kama dambeys ah u dagaalamaya.

qanjirbarar [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka qanjirrada liinfada kuwaas oo barara, xanuun yeesha ayna adkaadaan xaaladaha qaarkood waa hallaamacood muddo dheer (cronica) sida qanjibararka ka yimaada cudurka qaaxada, inta badanse waa cudur muddo gaaban (acuta) oo ku kooban meel jirka ka mid ah oo u dhow addin dhaawacan.

shakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.

dhaawac [m.l] (-cyo, m.dh)
Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca.

dhaawac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Kala go'a qaab dhiska xubin ama sooh oo ay keento dhibaato dibedda ugu timid.

dhaawac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -wici)
Nafley nabar xanuun leh gaarsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg