dhaban
(m.l) (-nno, m.dh)

Wejiga labadiisa dhinac midkood.

dhaban
(m.dh)

(xis.) Tiro laba u qaybsanta.

dhaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Wax la dhabay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaban

abtisarow [m.l]
Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.

baasho [m.dh]
Dhunkashada dhabanka ama dibnaha la iska shumiyo.

barki [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.

caradhaban [m.l]
Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.

dhabankoolis [m.l]
Geed yar oo buruq kulucsan leh.

dhabannaanayn [m.f.dh]
eeg dhabannaanee.

dhabannaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.

dhab [m.dh]
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg