dhabaq
(m.l)1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bqay, -baqday; -bqi)Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid.
dhabaq*
halaysan, la wasakheeyay.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhabaq ↴
dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.
dhabaqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaan [m.f.dh]
eeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhabaqsanaan.
dhabaqsasho [m.f.dh]
eeg dhabaqso.
dhabaqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax macaan cunid.
dhabaqtir [m.l]
ld dhabaqtirid.
dhabaqtir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
dhab [m.dh]
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).