dhabbe
(m.l) (-bayaal, m.l/dh)Jid ay baabuurta, xoolaha iwm maraan oo cagta lagu bixiyey. ld dhabbo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhabbe ↴
waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.
waddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhul falan oo la maro; jid; dhabbe; marin; hilin; daw.
budul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel xoolaha marintoodu ay jilcisay oo habaas ka dhigtay. 2. Dariiq la maro, daw, tub, dhabbe. 3. Wax la tumay oo budo laga dhigay.
dardar [m.dh]
1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.
dhabbayn [m.f.dh]
eeg dhabbee.
dhabbee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Waddo si joogto ah u marid. 2. Xaskul la duugay tumid.
dhabbo [m.l]
ld dhabbe.
fal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
indhabbeel [m.l]
Indhaha oo nuurkii aragga ka taga. ld indhabbeelid.
dhab [m.dh]
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).