dhabo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-btay, -batay)Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhabo ↴
baysadhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Socod cabsi ku jirto socosho.
cagadhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Caga dhulka la dhicid.
dhabasho [m.f.dh]
eeg dhabo. ld dhabad.
dhaboobid [m.f.dh]
eeg dhabow.
dhabow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dhab noqosho.
dhegadhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm).
doogdhabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-dhawday, -dhabatay)
Meel doog leh aadid.
dugdhabo [m.dh]
Dhinaca galbeed.
fooldhabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Bun la dubay jirka marsasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg