dhabxanag
(m.l)Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhabxanag ↴
udo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca. saxaro
dalqoholac [m.l]
1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
dhanxalag [m.l]
ld dhabxanag.
dhanxanag [m.l]
ld dhabxanag.
dhanxarag [m.l]
ld dhabxanag.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg