dhaddig
(m.l)ld dheddig.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaddig ↴
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas
taas [dk.ti.dh] (-taas)
Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa².
abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
cawl [m.dh]
1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.
dhaddigee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-geeyay, -geysay)
ld dheddigee.
dhaddigeyn [m.dh]
ld dheddigeyn.
dhaddignimo [m.dh]
ld dheddignimo.
dhaddigood [m.l]
ld dheddigood.