dhal
(m.l) (-lal/-llal, m.l)1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
dhal
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-alay, -ashay)1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.
Geel dhalaan qaaday ma dheera.*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Nin seexday siciisa dibi dhalay*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhal ↴
aabbe [m.l ] (-bayaal, m.l/m.dh)
1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe. aabbo
ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
ubaxow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ubax dhalid (geed). ld ubxow. ubxow
baabasiir [m.l (daaw.)]
Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir bawaasiir
kaaddhal [m.l]
Marcurad. marcurad
kaaddhalnimo [m.dh]
Kaaddhal ahaansho.
eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
laaf [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.
laakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
Laako dhalid.