dhalaalyo
(m.dh)ld dhalaaliso; dhalaalo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalaalyo ↴
dhalaaliso [m.dh]
Qabow aad u xun. ld dhalaalyo, dhalaliso.
dhalaalo [m.dh]
1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. ld dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iwm. ld dhalalo.
dhalaal [m.l]
Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹.
dhalaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
1. Muuqaal ifaaya yeelasho. 2. Dareere noqosho (adke). 3. Ka soo dh.: qof, hawl loo xilsaaray sidii la rabey u fulin. ld dhalal².
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg