dhalfo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Xubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalfo

barjo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.

kabar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Janfar, jeefaar; dhalfo. 2. Qalab qori ama bir ka sameysan lehna albaab iyo khaanado, dharka iwm lagu rito; armaajo.

dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg