dhalid
(m.f.dh)

eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalid

ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.

ubaxow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ubax dhalid (geed). ld ubxow. ubxow

laakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
Laako dhalid.

ugxandhalid [m.dh]
(baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.

ummul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
Ilmo uur ku jiray dhalid.

bashiishiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-day, -tay)
Si sahlan u dhalid (nafley).

bashiisho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shaday, -shatay)
1. Si lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin (neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka duwan u dhicid.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

curo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.

dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg