dhalin
(m.f.dh)

eeg dhali². ld dhalis¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalin

nabadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Meel nabad ka dhalin.

tacabkhasaaro [m.dh]
Dadaal miro dhalin la'aan.

ummuli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ilmo ka dhalin.

yaqyaqsii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.

abeer [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.

balow [m.l]
Geed mirood biyo ka batay awgeed aad u weynaaday oo aan miro dhalin.

bulshee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-sheeyay, -sheysay)
1. (f.g) Qof bulshey ka dhigid. 2. (f.mg) Ciyaar, dhalinyareyn iwm wakhti ku lumin.

burbur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-rro, m.dh)
1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).

cilmi-jabaqeed [m.l]
(fiis.) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.

daaruqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qeysay)
Boog dixri ku dhalin (diqsi).

dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg