dhalis
(m.l)

ld dhalin.

dhalis
(m.dh)

ld dhalid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalis

birqabad-dhalis [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.

dhalid [m.f.dh]
eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.

dhalin [m.f.dh]
eeg dhali². ld dhalis¹.

nal [m.l] (-lal, m.l)
1. Qalab dusha quraaradi kaga dahaarantahay oo iftiin bixiya marka korontadu soo gaadho. 2. Iftiinka korontadu dhaliso.

qabandhaco [m.dh]
Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.

qulub [m.l]
1. (m.l./dh) Isla hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso. 2. Qaybinta cayaar turub oo la khaldo.

sal-kadhaban [m.l]
Dhibaato qof ku timaadda oo ku dhalisa welwel iyo walaac gayeysiisana inuu ka tago meeshii uu joogay.

dhal [m.l] (-lal/-llal, m.l)
1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

dhal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg